storyofjesus

 




Qasiidooyin
itunes_logo
Guji Halkan

 

Kitaabka Quduusan
Halkan ka akhriso
www.noloshacusub.net/Bible

 

Kitaabka

 

 

 

buug1
Guji Halkan

buug2
Guji Halkan

buug3
Guji Halkan
SHEEKH NUUR BAARUUD: "Jihaad Ma Jiree Waa Jirrabaad"

sheekh_nuur_baaru

Monday, March 22, 2010

SHEEKH NUUR BAARUUD: "Jihaad Ma Jiree Waa Jirrabaad"

SHEEKH NUUR BAARUUD: "Dagaallada ka socda Soomaaliya ma ahan kuwo Jihaad ah ee waa kuwo dano gaar ah laga leeyahay"

 

 

 

 

Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culummadii Soomaaliyeed ee ka qaybgalay shir looga hadlay arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in shirkaas laga soo saaray go'aanno ay ka mid ahaayeen in dagaallada socda aysan ahayn Jihaad.
Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen urur ay leeyihiin culummada Muslimiinta calaamka ayaa waxaa qodobbadii looga dooday ka mid ah dagaallada ka socda Soomaaliya iyo aragtida diinta Islaamka.
"Culummadii shirka kasoo qaygalay waxay si weyn uga doodeen diinta Islaamka iyo Soomaaliya, waxaana lagu soo dagaallada socda iyo Xukuumadda talada haysa, iyadoo la isku raacay in dagaallada ka socda aysan ahayn kuwo jihaad ah oo laga leeyahay dano gaar ahaaneed" ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Qodobbadii kasoo baxay heshiiskan ayaa waxaa gaashaanka ku dhuftay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, iyadoo Sheekh Mukhtaar Roobow oo u hadlay uu sheegay in dagaallada ay wadaan ay yihiin kuwo jihaad ah, hadalkaasna aanay dhageysanayn.

Sheekhu Nuur Baaruud wuxuu sheegay in culummadii shirkaas ka qaybgashay ay dalbadeen in dhinacyada ay dagaaladu u dhexeeyaan ay isugu yimaadaan Miiska wadahadallada, wuxuuna daboolka ka qaaday in ka hay'ad ahaan ay iyagu diyaar u yihiin inay dhexdhexaadiyaan.

"Go'aannada shirka kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in dagaallada ka dhacaya Muqdisho iyo Gobollada dhexe aysan ahayn kuwo Jihaad ah, waxaana dhinacyada wada loogu baaqay inay joojiyaan, maadaama ay dad badan oo Muslimiin ah ay ku dhimanayaan" ayuu yiri Afhayeenka Hay'adda Culummada Soomaaliyeed.

Sheekh Nuur Baaruud wuxuu ka hadlay diidmadii kasoo baxday Xarrakatul Shabaab ee ku aaddan go'aannadii shirkaas kasoo baxay, isagoo sheegay in hadalladaas aysan ahayn kuwo u dhigma dadaalka lagu bixiyay in culummadu ay ka hadlaan xaaladda murugsan ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku tilmaamay inay tahay mid Islaami ah, loogana baahan yahay in dadku ay taageeraan, isagoo kooxaha kasoo horjeeda ugu baaqay inay joojiyaan dagaallada ayna heshiis la galaan dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Muqdisho, Soomaaliya