|
MASIIXIYIINTA LA DARJARAYO EE SOOMAALIYA 22ka Okt. 2009 | Nairobi, The Economist Xataa dawladda lagu waday in ay furfuran tahay ee Soomaaliya diyaar uma aha inay badbaadiso iyaga
Waa halkee meesha ugu adag adduunka ee qof uu ahaan karo muwaadin isagoo Masiixi ah? Ma Waqooyiga Kuuriyaa? Dabcan? Ma Sacuudi Carabia? Ma eegtay Soomaaliya iyada? Waxaa lagu wadaa in aysan ka badnayn kun Masiixiyiinta Soomaaliya oo tirada dadkeedu kor u dhaafay 8 malyuun, iyadoo ay jiraan dabcan tiro kale oo Masiixiyiin Soomaali ah oo aan ka badnayn dhawr kun oo qurbo jog ah. Maleeshiyaadka uruka Muslimka xagjira ee al Shabaab, oo gacanta ku haya inta badan koonkurta Soomaaliya, waxay u heelan yihiin ugaadhsiga Masiixiyiinta Soomaalida ah.
Masiixiyiintu waxay ka qayb galaan salaadda Jimcaha si aanan looga shakiyin. Kitaabka Quduuska way qariyaan. Mana yeelan karaan kulammo, kaniisadna warkeedaba daa! Qabuurihii iyo Kaniisadihii Kaatoligga waa la burburiyay dhammaan. Soorooyinkii ugu dambaysay ee joogtay caasimadda burbursan ee Muqdisho, waxaa waddanka laga eryay sannadkii 2007dii. Sannad ka hor, intaan la dilin sooro waayeel ahayd oo ka shaqaynaysay isbitaal ku yaalla halkaasi. Masiixiyiin ku hadhay waddanku waa kuwii Soomaalida ahaa oo qudha.
Qabqabashada iyo dilka Masiixiyiintu waa barabagaandho faa’iido u leh oo uu ugu adeegto ururka al Shabaab, abaabulka iyo dagaal galinta dhallinyarada u dagaalama iyo kuwa ismiidaamiya, iyagoo ka dhaadhiciya in Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Vatikanka, iyo xulafadooda ah Itoobiya iyo Keenya, in dhammaan ay yihiin “Saliib u dirirayaal “crusaders” isku dayaya inay Soomaalida ka dhigaa Masiixiyiin. Qaramada Midoobayna waxay ku sheegaan ibliis shar la daba gabanay. Israa’iil, sidoo kale waxay ku canbaareeyaan inay ku raacsan tahy kuwaas lugooyada Islaamka.
Xukuumadda tabarta daran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Axmed, oo si daalan uga talisa meelaha aanay wali gaadhin al Shabaab, uma eka mid u hadli karta muwaadinkeeda oo lagu qabtay isagoo haysta Kitaabka Quduuska. In kastoo ay dawladdu sheegato in ay furfuran tahay, haddana waxay hirgalisaa nooc shareecada Islaamka ka mid ah oo qaba in muwaadin kasta oo Soomaali ahu uu ku dhashay Muslimnimo, oo qofkii qaata diin kale uu yahay murtad in la dilo ay waajib tahay.
Bil kasta waxaa iimaankooda Masiixiyada aawadii loo dilaa dhawr qof oo Soomaali ah. Mararka qaar waxaa dhacda, in ay jahaadlayaashu ay marmarsiinyo ka dhigtaa si ay u dilaan qof ay uga shakiyeen inuu u basaaso wardoonka Itoobiya. Hase yeeshee, kuwa la dilo inta badan waa Masiixiyiin masaakiin ah oo aan waxba galabsan. Sida ay sheegeen Soomaali xogogaal ah iyo kooxo Masiixiyiin ah oo xaaladda Soomaaliya kor kala socda, dhawrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa la dilay ugu yaraan 13 xubnood oo ka mid ah kaniisadaha qarsoon ee Soomaaliya.
|